Ar kursigaanaa!!!!!. =Faallo=

Kursigaan Muuqaalkiisa iyo mudmudidiisu isma lahan. ( fiiri sawirka 1&2aad). Nin kasta oo kursigaan janta salkaa cuncuna , Naag u ordee ma badna, Soomaali waa laga celi waayay kursi qodxaale, madaxdu qodxa jecelaa!. Kan kursiga ku fadhiya Golahiisuna kursi weeyn oo qodxa badan ayeey ku fadhiyaan (fiiri sawirka 3aad), ogoow in aad tahay mayd kusri ku fadhiya oo geeridu mar kasta kuu imaan karto ( fiiri sawirka 4aad).

Qodxaha waxaa looga magan gali karaa hal sheey in aad sameeyso – CADAALAD . Ninkii boqorku u soo diray Sayidinaa Cumar RC markuu magaalada ka waayay ,waxaa uu ugu tagay Geed magaalada banaankeeda ah isaga oo kaligii jiifa. Waxa uuna ku yiri: waad xakuntay, waad cadaalad fashay , waxaadna ku seexatay nabad, anna waan islaamay . kursiga dhibkiisa Sayid Cumar RC caruurtiisa ayuu kala dardaarmay, iska jira kursigaa, annaguna caruurteena ayaan kula dardaarmeeynaa jaceeylka kursiga.

Hadaad kursiga ku fadhiisato qodxaha waxaa kuu dheer, wax aadan ogeeyn ayaa laguugu caaynayaa, wax aadan sameeyn ayaa laguugu amaanayaa, wax aadan qaban Karin ayaa laguugu dhaliilayaa, isa sax una dulqaado.

Walaalaheena xilka noo haya aan ku kaalmeeyno,sideey qodxaha isaga ilaalin lahaayen intii karaankeena ah, ayaguna inta ay ballan qaaden, kuna dhaarteen ALLAAH na raali ka yahay haku dadaaleen. Haddii kale ummaddu xaq ayeey u leedahay in dhibkeeda ay sheegato,cadaaladna baadi goobto.

Annigu bari buuran oo qodxa celisa malihi, ALLAAH ayaan ka magan galay kursi qodxaale. Aniga jiimbaar ayaa leeygu ogyahay haddaan iyadana la isku qabsan ( fiiri sawirka 5aad).

FG: Argtidaadu waa muhim,talo iyo tusaalaba, ka sax wixii aan ka qalday qoraalkaan kursi qodxaale jamashadiisa, kursiga muuqaalkiisa iyo mudmudidiisu kala duwan yihiin. yaa somali xil u qaaday oon….

Qore: Yahya Amir