Shaqaalaha Maraykanka oo Lagu Amray Inay Deg deg uga Baxaan Muqdisho

Dowladda Maraykanka ayaa ku amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee u dhashay Maraykanka inay si deg deg ah uga baxaan magaaladda muqdisho.Warkan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in weeraro argagixiso oo lala beegsanayo muwaadiniintooda ay ka dhici karaan Muqdisho.

Warkan oo lagu daabacay bogga internetka ee xafiiska howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu toos ugu socdaa muwaadiniinta iyo shaqaalaha maraykanka ee Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda muqdisho.

Dowladda Maraykan waxay sheegtay in dhibaatada dadka Maraykanka soo gaaraya ay ka hortagayaan kagana digayaan goobaha khatarta leh ee ay dhici karto in weeraro kusoo qaadaan kooxaha Argagixisada sida Al-shabaab, iyo ISIS.