Kulanka Dowladda Federaalka iyo Maamul-gooboleedyada oo weli la isku mari la’yahay

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in shirka ay ka dhalatay doodo kulul iyo qodobbo weli la isku mari la’yahay, taasoo sababtay in shirku muddadiisu dheeraato, maadaama uu qorshihiisa ahaa in muddo ku siman afar maalmood lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuse hadda marayaa muddo toddobaad ah.

Tan iyo markuu shirku billowday ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo amniga la xiriira, hadana waxaa wali doodo adagi ka taagan yihiin qodobo ay ka mid yihiin; kheyraadka, dib u-eegista-dastuurka iyo kuwo kale.

Sidoo kale, Waxaa jira eedeyn loo jeediyay xukuumadda Federeaalka ah ee Somalia, taasoo ah inay xukuumadda Khayre waddo olole ballaaran dhan ka ah Madaxda Maamullada Galmudug iyo Koofur-galbeed. Waxayna tani qayb ka tahay wayxaabaha muranka badan dhaliyay.

Madaxda Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koofur-galbeed ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay in kacdoonada ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Khayre hoggaaminayo, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta weli ay socdaan fara-gelinnnada ay xukuumaddu waddo.

Dhanka kale, Qodobbada kale ee dooda adagi ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah; Hindise-sharciyeedyada uu ansixiyo baarlamaanka, taasoo horay Madaxweynaha Puntland uu ashtako uga keenay, isla markaana dalbaday in marka hore maamul goboleedyada laga tala geliyo.

Ugu dambeyn, shalay  oo jimco aheed aysan wax shir ah jirin, Waxaana laga yaabaa in xalay madaxda kulammo gaar gaar ah yeesheen, isla markaana kama dambeys maanta oo Sabtid ah ay shirkooda kasoo saaraan qodobbada ay ku heshiiyeen.