Faah faahin ka soo baxaysa Duqaymo diyaaradeed oo uu Maraykanka ka gaystay Saldhigyada Daacish ee Puntland

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn Diyaaradaha Maraykanka ay ka geysteen Deegaano ka tirsan Gobalka Bari ee Puntland.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay dhacday laba jeer waxaaana lala eegtay saldhig maleeshiyaadka Daacish ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Buqa oo u dhaw Buuraha Gobalka Bari ee Puntland.


Afayeen u hadlay Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay duqeynta in ay fuliyeen diyaradaha maraykanka ee ku sugan Soomaaliya

Afayeenka ayaa sheegay in hal qof uu wax ku noqday waxaana la sheegay in la bartilmaameesaday Saldhigga hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya ee Cabdulqaadir Muumim.

Dhanka kale Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay, mas’uuliyiinta Gobolka Bari iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha dagaalka Maraykanka.