Maraykanka soo saaray Digniin ku wajahan Muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu amray Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya inay si degdeg uga baxaan Caasimada Soomaaliya.


Guddiga diblomaasiyadda Mareykanka ee Soomaaliya qoraalka ka soo baxay lagu sheegay inay jirto halis dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meelaha ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay Xaaladda amaanka magaaladda Muqdisho ayaa la sheegay in ay tahay mid aad u helis ah.
Dhanka kale digniinta Mareykanka uu siiyay muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho ayaa ah tii ugu adkeyd ee dhowaanahan soo baxda, waxaana halista amni ee looga digay dadka Mareykanka ah ay salka ku heysaa dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, sida ay sheegeyso digniin hore oo Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka soo saartay.