Ciidamada Dowladda oo isku balaariyay Deegaano ka tirsan Degmada Balcad.

Wararka laga helaayo degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Deegaano hoos taga Degmada Balcad .


Mas’uuliyiinta Degmada Nalcad ayaa sheegay in Howlgalka uu ka socdo deegaanka Daniga iyo Deegaano kale oo maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab qaraxyo ku Duugayeen, sidoo kalane waxaa la sheegay in nawaaxiga deegaankaas ay fariisin ka sameesateen.
Dhanka kale CiidamadaDowladda ayaa dhawaan qorsheynaya weerar ay ku qaadaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada hoostaga Degmada Balcad, waxayna Ciidamadu ku jiraan feejignaan sare,iyagoo deegaano dhowr ah Saldhigyo ka samaysanaya.