Ciidamada Dowladda oo howlgalo baaritaano ah ka wada Degmada Qoryoolay ee Gobolka Sh/Hoose.

Wararka laga helaayo degmada qoryoolay ee Gobalka Shabewlaha hoose ayaa sheegaya in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano iyo Tuulooyin hoostaga Degmadaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka soo gala degmada waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo halka ay joogaan Maleeshiyaadka Shabaabka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa raadinya maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa waxay ku sugan yihiin Deegaano hoostaga Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha hoose oo Halkaasi mararka qaar weeraro toos iyo Qarax ku soo qaada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee Saldhigyada ku leh Degmadaasi.