Ciidamada dowladda oo baaritaano adag ka wada qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Xaafadaha magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa ka socda howlgalo lagu sugayo ammaanka Caasimada, iyadoo Ciidamada dowladda wada baaritaano adag oo ay ka samaynayaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka si aad ah ay u baarayaan.

Wadooyinka degmada Kaaraan, Wadada Maka Al-Mukarama, Wadada 21- October iyo wadada Tarabuunka ayaa si aad ah loogu baarayaa dadka iyo gaadiidka, iyadoo ciidanka dadka ay ku amrayaan inay ka soo dagaan gaadiidka si baaris loogu sameeyo.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta dareenka la xiriira xaaladda amniga, kadib markii Magaalada ay dhawr mar ka dhaceen qaraxyo gaadiid loo adeegsaday oo la dhigay meelaha Bulshada isugu timaado.