Maamulka Puntland oo Somaliland uga digay inay Sanaadiiqda Doorashada la geeyo deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

War ka soo baxay maamul Gobaleedka Puntland ayaa looga digay Jamhuuriyada Iskeed Isku Magacaawday Soomaaliland in sanaadiiqda codbixinta ee doorashada la geeyo deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, Oo labada Maamul ay ku muransan yihiin.


Cabdi Xirsi  Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka digayaan in arintaa ay keento dhiig daata iyo is qabqabsi ka yimaada in Soomaaliland inay sanaadiiq keento deegaanada Puntland.

Wasiirka warfaafinta ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay arrintan inay si ka fiirsasho leh u adeegsadaan, oo ay iska ilaaliyaan dagaal iyo kicin bulsho oo halkaasi ka dhacda.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay inay masuuliyad iska saarto inay si wanaagsan ku qabsato doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato