IMF oo sheegtay inuu Sanadkaan laba jibaarmayo dhaqaalaha wadamada Afrika

Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan uu laba jibaarmo dhaqaalaha wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha, kadib markii sanadkii hore uu kordhay 1.4%.
IMF ayaa saadaalisay sanadka 2018-ka in kororka dhaqaalaha uu gaari doono 3.4%, Saddex meelood meel dhaqaalaha wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha ayaa kordhaya 5%.

Agaasimaha IMF ee Afrika ayaa sheegay inuusan ka fileyn wadamada kale in kororkooda dhaqaalahooda uu soo gaaro heerkan oo kale.
“Waxaa jiri doonta xaalad 12 ka mid ah 45-ta wadan ee ka hooseeya saxaraha dadka ku nool wadamadaasi aysan arki doonin wax koror ah oo ku yimaada daqligooda, waxaanu ka hadleynaa 40% dadweynaha.” Ayuu yiri Agaasimaha IMF ee Afrika.
Hay’adda IMF ayaa sidoo kale taabatay walaac isa soo taraya oo dadka ay ka qabaan deymaha caamka ah ee sii kordhaya oo haatan u dhigma 50%, wax soo saarka wadamada ka hooseeya saxaraha.
Sidoo kale IMF ayaa sheegtay in wadamadda Afrika ay u baahan yihiin inay ka fikiraan siyaasadooda dhaqaalaha si ay u helaan koror dhaqaale.