Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo Jabkii ugu cuslaa gaarsiiyay Al-Shabaab, kana qabtay saraakiil iyo Maleeshiyaad dhowr ah.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay ku qaadeen Weerar qorshaysan Ciidamada Shabaab ah oo ku sugnaa Degmada Kuntuwaarey.

Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa u suurtagashay inay dagaalkaasi ku dilaay Al-Shabaab gaaraya ilaa 12-ruux,iyadoo ciidamadu gacanta ku dhigeen oo ay nolosha ku qabteen in ka badan 25-kale oo ay ku jiraan Sraakiil Shabaab ah.


Weerarkaan ay qaadeen Ciidamada Xoogoga dalka wuxuu ahaa mid qasaare baaxad leh loogu gaystay Al-Shabaab inta la ogyahay, iyadoo dagaalkaan la sheegay inay Ciidamada Xoogga ay gacan ka heleen ciidamada Maraykanka.

Dhanka kale Deegaano dhowr ah oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka socda diyaargarow la xiriira dagaal lagu qaado fariisimada Shabaabka ay kaga sugan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan uu bilowdo dagaal culus oo lala galo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.