Ciidama Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay Xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Kumanaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saakay lagu soo waramayaa inay ka soo talaabeen Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.


Ciidamadaan ayaa wata Gaadiidka Gaashaaman iyo Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu sheegay in ujeedkooda uu yahay Dagaaalka ay dowldda Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqday kaa oo lala gali doono Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Qaar ka mid ah Wadamada Calaamka Gaar ahaan Dowladaha Itoopiya, Turkiga, Qatar Iyo Dowlado kale oo Xiriir Wanaaagsan uu ka dhaxeeyo ka codsaday iney ka gacansiiyaan Dagaalka uu kula jiro Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.