Wasiir asagoo khibrad &cirro leh ayaan arki jirnay,maantana wasiir ciyaal ah oo aan weli gar..NASASHADA JIMCAHA.Q.68aad.

1-Nin bukaan ah ayaa dhakhtarkiisii ku yiri: Datoore qaliinka aad igu samayn doontid waa mid khatar ah ee boqolkiiba meeqaad rajaynee in aad ku guuleeysatid?. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: 100%.
Bukaankii ayaa ku yiri: sideed ku hubisay in 100% aad ku guulaysan doontid?. Dakhtarkii ayaa ku yiri: Markii aan Jaamacadda dhiganayay ayaa barfasoorku igu yiri: inta aad baraatikada ku jirto, 100kii bukaanba mid ayaad qaliinkiisa ku guuleeysanee. Intii aan isbitaalkaan joogay 99 bukaan ayaan qalay wayna wada dhinteen, adigu kii 100aad ayaad tahay waxaan filayaa inaan ku guuleeysan doono. Fiiri sawirka 1aad.


( Shacabku ha iska dulqaato inta ay baraatikada ku jiraan dhalin yarada aan weligood amni ka shaqayn ee amniga loo xil saaray, waxay balan qaadeen in qaraxa100aad ay ka hortagi doonaan).
2-Oday faarax oo Masjidka ku tukanaya ayaa kabahii laga xaday. Markii Salaada laga soo baxay ayuu dadkii ku yiri: Ninkii kabaha iga xaday hadduuna ii keenin, Allaa igu og wixii Aabahay sameeyay ayaan samayn doonaa!!.
Ninkii kabaha qaady ayaa inta uu baqay, si qarsoodi ah kabahii halkoodii ugu soo celiyay. Oday faarax markii uu kabahiisii helay ee uu sii baxayo ayaa dadkii waydiiyeen. Oday faaraxow muxuu Aabahaa sameeyay?. Oday faarax ayaa yiri: Caga caddaan ayuu guriga ku aaday. Fiiri sawirka 2aad.
( Taliya ku cusub Aaga jiida Hore ee dagaalka ayaa yiri: Hadaan ciidanka bishaan mushaar la siin, Allaa igu og Taliyihii iga horeeyay wixii uu sameeyay ayaan sameeynaa!! Aaga ayaan amar la’aan iyo caga caddaan uga soo baxeeynaa,war ragga mushaarkooda… )
3-Dhakhtar doob ah ayaa gabar uu guursan rabay Aabaheed oo waayeel ah ka doontay. Aabihii ayaa weeydiiyay maandhoow maxaad ka shaqeeysaa?. Dhakhtarkii oo ku faraxsan muhimada shaqada uu hayo ayaa ku yiri: Adeer waxaan ahay dhakhtarka Caruurta.
Aabihii oo dhakhtaka shaqadiisa saluugsan ayaa ku yiri: Maandhoow, wax barashada maxaad u dhameeysan wayday si aad dhakhtarka dadka waawayn u noqotid.
(Siaasiyiinta yar yar ee bartay sida caruurta loola sheekeeysto, sideey dadka akhyaarta ah ee bulshada hor jooga u ah ula dhaqmi doonaan?).
4-Oday Guuleed oo fadhi ku dirirka Gaalkacyo madax ka ahaa ayaa xanuunsaday oo Hidiya loo qaaday. Boorsadii uu dharka ku qaadan lahaa ayuu ku ritay nus loor-25kg oo Sokor ah iyo kilo caleenta shaah ah, middina waa xirtay. Markuu Hindia tagay ayaa Booliskii Airporku ku yiri: Xageed u wadataa mididan? Guuleed ayaa yiri: Doqon ayaa tihiin, rag aan hubaysnayn waa R’i aan geesa lahayn. Dirqi ayaa looga qaaday tooreeydii.
Markii uu tagay magaalada Mumbay xaafadda reera ay qaraaba ahaayeen, ayuu sokortii iyo caleentii soo bixiyay. Waxa lagu yiri: Xageed u waday sokortaan. Wuxuu yiri: waxaan ka cabsaday in shaah la’aanu igu dhacdo, wax lama socotiine, Hindiya sokor iyo caleen lagma helo, odayaasha Gaalkacyo oo waaya araga ah ayaan ka maqlay.
Jawaanka uu sokorta ku wato waxaa ku dulqoran MADE IN INDIA. Adiguba kaalay qanci. Fiiri sawirka 3&4aad.
( Agaasime Cabdi SACOOW ayaa shaqaalihii ku yiraahdeen: Mudane Agaasime, arrintan aad na fartay waxay ka hor imaanee dhaqanka Soomaalida, dood dheer kadib waa isaga dhaqaaqay agaasimihii, staafkiisii ayaana garbaha ka galay oo baabuurkiisii saaray, isaga oo shaqaalihii ku leh: Juhalo ayaad tihiin, arrintaan waxaa horay u hirgaliyay wasiir Hollandees ah oo maskaxdiisa ku borogaraamiyay. Agaasimuhu isma weeydiin in somaaliya aragtida Hollandeesku ka socan karto ?. bal adiguba kaaly qanci Agaasimaha ). Fiiri sawirka 5& 6aad.
5- Oday Macloow oo reer Xamar weyne ahaa ayaa wiilkiisii Gaalkacyo aaday,wiilkii ayaa muddo markuu halkaa ka shaqeeysanay, wuxuu guursaday Gabar reer gaalkacyo ah, waxayna u dhashay wiil aad ugu eg Oday Macloow, oo xattaa bartii oday macloow dhabarka uga tiil ay ku taal. Wiilkii oo laba sanno jir ah ayaa Xamar la keenay, reerhii oo farxsan ayaa qafba mar wiilkii kor u boodbootisay. Markii dambe ayaa oday Macloow loo geeyay, aad ayuu ugu farxay asaga oo leh : Igaarkaaneeyto( wiilkaan) siis iigu egyahay fiiriya, igaarkaan wallaahi xalaal waaye.
Oday Macloow ayaa weeydiiyay: Igaarkaan magaciis? Waxaa la yiri: Igaarkaan magaciisa JAAMAC aa la dhahaa. Oday macloow inta wiilkii dhulka iska dhigay ayuu yiri: Adi ma sixran tahay, weligeey intaan Xamar joogay ma arkin Jaamac oo wiil yar ah, Jaamac asagoo wayn leen arki jirnay.
( Wasiir asagoo khibrad iyo cirro leh ayaan arki jirnay, maanata wasiir ciyaal ah oo aan weli gar iyo shaarub lahayn ayaan aragnay, xaaladda jirta managa saari karaa, Balanbaalis ma dhagax jiida). Fiiri sawirka 7& 8aad.
6-Oday 90 jir ah ayaa maxkamaddu ku heshay dambigii lagu soo eedeeyay, qaaligiina wuxuu ku xakumay 30 sanno oo xabsi ah. Odaygii oo qaaliga ku beer laxawsanaya ayaa ku yiri: Qaali waxaan ahay 90 jir sidee 30 sanno iigu xakuntay?. Qaaligii ayaa yiri: Maxkamadu wax aadan qaadi Karin kugu kalifi mayso, ee adigu mudadaa intii aad ka noolaan karto ka qaado, inta soo hartana waa lagaa cafinayaa.
( Shaqaale masaakiin ah oo aan mushaar qaadan ayaa canshuurtii lagu laba laabay, ayaga oo dacwo ah ayay masuulkii maaliyadda u tageen, waxayna ku yiraahdeen: Hadda ayaan laba mar oo kaliya maalintii wax cunnaa, marka ma waxaad rabtiin in aan hal mar oo kaliya wax cunno maalintii?. Masuulkii ayaa ku yiri: Xukuumaddu wax aadan cunni karinina idinku qasbi mayso, One time is OK , for me every hour, take your choice and feel free). Fiiri sawirka 9aad.
Qore: Yahya Amir