Mareykanka oo ka wal walsan in dhaqaalaha uu siiyo DFS inuu gacanta u galo Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa lagu sheegay inuu jiro Walaac laga qabo in lacagta la siiyo dowladda Soomaaliya loo leexiyo dhanka Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Laantaan dabagalka gargaarka Mareykanka ayaa sheegtay in sababta aysan ugu soo laaban warbixinnada la xiriira kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya iyada oo aan laheyn warbixin ku saabsan Nidaamka loo maareeyay gar-gaarka Mareykanka ee Soomaaliya,cidda qaadatay oo aan la caddeyn iyo sababaha ay ku baxaan oo aan soo laaban,sida lagu sheegay warbixin ka kooban 34 Page Ama Bog oo lagu qiimeynayay Habka loo maamulo kaalmada uu soo dhiibo mareykanka,islamarkaana ay sameynayeen koox Baarayaal ah


Baryaasha ayaa aaminsan n lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Al-Sabaab,Balse aan la ogeyn Habka ay ku baxday lacagtaasi, waxayna sheegeen inay suurtagal tahay in Al-Shabaab gacanta u gashay qeyb ka mid ah dhaqaale loogu talo galay illaa 6,509 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya, sida warbixntaan lagu faahfaahiyay.
Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay inay il gaar ah u yeelan doono gar-gaarka ay siiso Dowlada Soomaaliya,maadaama ay ka cabsi qabaan in dhaqaalaha ay soo dhiibaan Mareykanka loo Gacan geliyo Al-Shaabaab, iyadoo arintaani tahay markii ugu horeysay oo dowlada mareykanka ay Walaac ka muujiso dhaqaalaha ay siiso dowladda Soomaaliya.