General Mukhtaar oo si KMG ah loogu wareejiyay xilka Taliyaha guud ee Booliiska Soomaaliyeed

Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah taliye Ku xigeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa si kumeel gaar ah waxaa loogu dhiibay xilka taliyaha guud ee Booliiska dalka.

Arintan ayaa timid ka dib xaflad ay ka qayb galeen saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed taasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka Booliiska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyahii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdixakiin Saciid Saacid oo dhowaan golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya xilka ka qaadeen ayaa xilka si KMG ah ugu wareejiyay Gen. Mukhtaar.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Taliye Mukhtaar ayaa xilkan sii hayn doona inta dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga soo magacaabayso taliyaha guud ee Booliiska Soomaaliyeed.

Iyadoo sidoo kale lagu wargeliyay Madaxweyne Faramaajo inuu Xilkaan u dhaafo General Mukhtaar Afrax oo ah qabiir booliis Soomaaliyeed.