Fadeexad Musuq Maasuq oo haraysay Wasiir Bayle, (Soomaaliya waa mashruuc) (Bayle wuxuu isticmaalay 542,000, mudo lix bilood ah..)

(Bayle wuxuu isticmaalay 542,000, mudo lix bilood ah, waxaa lacagtaas mushaar loo siin karaa bil kaliya 5,420 Askari)

Dawladda Soomaaliya oo wakhtigaan la dalaa dhacaysa dhibaatooyin ammaan ayaa marka aad hoos u dhex gasho hay’adaheeda fulinta waxaa soo baxaya in dawladnimada aan haysano keliya ay tahay qalfoof kore, dhuuxii maamul ee fulinta wasaaradahana ay dhibaato ka taagan tahay, wasaaradda maaliyadda oo la rabay iney noqoto hormuudka dowlad wanaaga iyo cad cadaanta ayaa ka bixi weyday musuq maasuq, is qabqabsi siyaasadeed, maamul xumo iyo in qof walba wixii u dan ah uu ka shaqeeyo.

Mid ka mid ah dadka ka shaqaynayey sanado badan wasaaradda maaliyadda waxadeeda Miisaaniyada ayaa ii sheegay, dhibaatooyinka ugu badan ee na soo mara waxaa ugu badnaa wasiir kasta oo la yimaada koox uu ku naasnuujiyo iyo dad ehelkiisa ah oo uu shaqaaliisyo, kana xuuquq bata shaqaalaha sanadaha badan ka shaqaynayey wasaarada.

 

Wasiir Ducaale Bayle ayaa noqday wasiir ku dhaqaaqa musuq maasuq noociisa aan horay loo arag, wuxuu wasaaarada ku soo daray shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha dibada, oo isugu jira dad ay xigta yihiin iyo dad kale oo shaqaale uu kalsoni ku qabo ah, maahan wax lala yaabo in wasiir dad uu isagu ku kalsoon yahay la shaqeeyaan ee waxaa amakaag ku noqoday dadka wasaaradda ka shaqeeya in iyagoo mushahar ka qaata wasaaradda arrimaha dibadda uu hadana mushaar kale uga qoray wasaaradda,

 

Liiska dadka wasiirku u qoray lacagaha xad dhaafka ah iyo meelaha ay ka kala shaqeeyaan

 

Magaca Wasaarada Musharkiisa Shaqaalah

Rayidka ah

Lacagta uu ka qaato Wasaarada Maaliyada
Dubad Nuur Arimaha Dibada 700 $ $ 4,000.00
Liibaan Arimaha Dibada 700 $ $ 3,000.00

 

Muntazia     $ 3,000.00
Rowdo     $ 3,000.00
Diraac Fagaase Xafiiska Raysal Wasaaraha 700 $ $ 2,000.00
Cabdalla Boos Arimaha Dibada 400 $ $ 1,000.00
Mowliid Arimaha dibada 400 $  $ 700.00
Xasan Cade Arimaha Dabada 400 $  $ 500.00
Iyo qaar kale oo aan magacayadooda aan haynin

 

Wasaarada maaliyadda ayaa miisaaniyada ay gooni u leedahay tahay 600,000 $ sanadkii, taas oo loogu tala galay gunooyinka ciidanka ilaalalada wasaaradda, qalab xafiiseedka, sahayda safarka dhamaan wasiirada iyo madaxda wasaaradda, dhamaan howlahaas waa in lagu maareeyo miisaaniyada wasaaradda mudo sanad ah waana $ 600,000

 

Wasiir Bayle kaliyaayaa isticmaalay lacag gaaraysa $ 542,704dollar mudo 6 bilood ah, lacagta badankeeda ayaa ku baxday safaro, guryo kiradooda iyo qalabayntooda, gawaari uu gatay iyo kuwo uu dad u iibshay, gunooyin xaad dhaafa ah oo u qoray shaqaale mushahar qaata. Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan see suurtagal ku tahay in lacag intaas le’eg la isticamaalo oo ka baxsan misaaniyadawasaaradda.

 

Xaggee ayuu haddaba lacagtaan ka isticmaalay wasiirku?

 

Waxaa jira xisaab furan oo la yiraahdo (Contingency) ama xalinta waxyaalaha deg degga uga dhaca dalka, sida masiiboyinka, abaaraha, qaraxyada iyo dhibka ay gaystaan, taakulaynta dadka jilicsan iyo munaasabadaha qaran, waxaa lacagtaas ka dhaxaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa awood u leh in laga saaro accountiga ay ku jirto Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda, lacagta $ 542,704 ah oo uu isticmaalay wasiir Bayle kaligiis mudadaas yar waxaa laga soo saaray qaybta Contingency, waana khiyaano qaran in la isticmaalo lacag u dhaxaysa shacabka Soomaaliyeeed, waxaase jawabteeda u daynaynaa madaxdii shalay ku ololeynaysay la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo ila xisaabtanka.

 

Cadayn in lacagta intaas le eg ay ku baxday Wasiir Bayle

 

Lacagta ka baxaysa wasaarada waxay martaa Waaxda Miisaaniyada, Hanti dhowrka, xisaabiyaha guud, xooghayaha joogtada ah, iyo ugu danbayn Bangiga dhexe, waxaa xaqiiqa ah cid walba oo isku dayda inay baaritaan ku samayso in ay si fududu u heli karto cadaynta lacagta intaas le eg.

 

Dowladan dhalatay 8 Feebraury waxaa hal hayskeedu ahaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo isla xisaabtanka, runtiina dadaal dhankaas ku aadan waa sameeyeen, lakiin waa in jawaab u helaan musuq maasuq intaan le eg oo uu ku dhaqaaqay wasiir Bayle oo marka uu hadalayo ku cel celiya wadaniyad, waxaa shacabka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad jawaab ka siisaan arinkaan, haddii kale dalkaani waa mashruuc sida uu ku heesay wasiir Bayle ee qof walba mashruuciisa ha fushado.

 

Halkaan hoose ka daawa dar daraankii Raysal Wasaaraha maalintii uu xilka la wareegayey, iyo faanka wasiir Bayle oo ah inuu musuq maasuqa wax ka qabanayo horomarinayana isla xisaabtanka.