Ciidamada Dowladda oo Baaritaano ka sameeyay wadooyinka ka baxa Degmada Degmada Balcad iyo kuwa soo gala.

 

Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee Gobalkq Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad oo Al-Shabaab dhowr jeer Miinooyin ku aaseyn.


Mas’uuliyiinta Degmada Balcad ayaa sheegay in Howlgalka uu ka socdo deegaanka Daniga oo maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab Qaraxyo ku aaseen, iyadoo la sheegay in nawaaxiga deegaankaas ay fariisin ku leeyihiin.
Dhanak akale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka Daniga waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo halka ay joogaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.