Hay’adda SOYDEN oo soo Gabagabeysey Tababar ku saabsan Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka

Hay’adda SOYDEN iyo Conflict Dynamics International (CDI) oo gacan ka haleyaan Midowga Yurub ayaa  waxay tababar socdey Afar maalmood ku soo gabagabeeyey Degmooyinka Daynile, Dharkinley, Hoddan iyo Howl-Wadaag.,Tababarkan oo ka  furmey Degmooyinka Daynile iyo Howl-Wadaag ayaa waxaa furay gudoomiyaha degmadasi iyo mas’uul ka socday hey’adda SOYDEN.

Tababarkan ayaa dadkii ka qayb galey ka kala socdeen Guddiyada nabada ee Degmooyinka, Guddiga Deriseynta, Ciidamada Nabadagalyada ee Booliska, Nabadsugida iyo Maxkamadaha heer Degmo.

Ka qayb galayaasha tababarka ayaa waxay ku baranaayeen qaabka colaadaha looga diggo iyo sida looga hor tago, diiwangelinta Khilaafadka bulshada ka dhaca, xalinta Khilaafadka, xoojinta isku xirka iyo wada shaqeynta qaybaha nabada ka shaqeeya iyo kuwa amniga ka shaqeeya ee heer degmo

Shaafici Cali oo ka socdo garsoorka oo ka Hadley Gabagabadii Tababarkaas ayaa waxaa uu yiri “Waxaan ka faaiideeystay sida Garsoorka cadaalad uga shaqeeyn lahaa una saxi lahaa kiisaska loo keeno iney run yihiin iyo inkale kuwaas oo ah kuwa aan ka faaiidnay”

Cabdiyo oo ah xubin ka socotay DPC oo ka hadshey Kulankaas ayaa waxay tiri “Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Hayada SOYDEN waxaan ka qeyb qaatay tababar 4 maalmood kana socday Hoolka degmada waxaan ka faaiiday habka laamaha amniga loogu xirnaan karo ama loola shaqeeyo”

Ambiya oo ah xubin ka socotay DPC waxayna tiri iyadoo Tababarkaas gabagabdiisa ka hadleysa “Waxaan ka faaiiday tababatkii 4 maalmood isku xrka gudiga Khilaafaadka iyo Maamulka, Policika,Maxkamada iyo Dariseeynta”

Sidoo kale waxaa Tababarkaas Xiritaankiisa ka Hadashey Leylo oo ka socotey Dhinaca Maamulka Waxayna tiri “waxaan ka faaiiday afkaarta dadka in la dhageysto iyo wadatashiga bil walbaa afar jeer la sameeyo”.

Gabagabadii xaflada Tababarka ayaa waxaa soo xiray G/Deg/Howlwadaag oo ka mahadceliyay tababarka 4 maalmood oo ka socday Degmadiisa taa uu ku tilmaamay mid  baahi weyn in loo qabay waxaa isna goobtaasi ka hadlay  Agaasimaha Hay’ada SOYDEN Cisman Muxyadiin Macalin oo cod dheer ku sheegay hadaad aragto afar qof oo meel joogaan oo aad weydiiso maxaad rabtaan waxey ku leeyihiin nabad Sidaa darted waa in aan ku dadaalnaa Nabada iyo Dib u heshiisiinta .wuxuuna ugu dambeyn  u Mahadceliyey intii ku gacan siisey hirgelinta tababarkaas  iosagoo Hoosta kia Xariiqey in Hayada ay Tababaro Noocaan oo kale ay ku qaban doonto Degmooyinka kale