Wasiirka Maaliyadda Oo Hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dacaale Beyle ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaas oo ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda.

Waxaana uu sheegay in Sharcigan uu muhiim u yahay habka loo maamulayo Lacagaha soo galo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Dacaale Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay isla xisaabtan dhab ah, si hormarka la hiigsanayo loo gaaro.

Waa kulankii 25 aad oo qeyb ka ah Kaldhiga labaad ee Golaha Shacabka, waxaana shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, iyadoona ay soo xaadireen 142 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.