Naftii Huraha Isku Qarxiyay Hotel Naasa Hablood II Akhriso magaciisa iyo qabiilkiisa

Warbaahinta afka Khawaarijta Alshabaab ee Andaluus ayaa baahisay xog dheeri ah oo kusaabsan ninkii isku haligay hotel Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho.

Magaca ninka ayaa lagu sheegay Xuseen Rukow Maaddeey oo ku magac dheeraa “Carab” kaas oo heyb ahaan kasoo jeeday beesha Gaaljecel.
Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ay ku dhinteen siyaasiyiin iyo dad aan wax galabsan oo ka dhacay Hotel Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ahayd ee todobaadkan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Alshabaab baahiyaan magaca iyo qabiilka naftii halige ka tirsan kooxdaas, dhowr jeer oo horey ayeey sidan oo kale u sheegeen magacyada iyo qabiillada ay kasoo jeedaan qaar kamid ah naftood haligayaal ay soo qalddeen.