Magaalada Bosaso oo mudaaharaad iyo dhaawacyo halkaasi ka dhacay

BOSAASO: Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland waxaa maanta ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas, Mudaharaadka ayaa ka dhashay kadib markii muddo toddobaad ka badan ay xiran tahay Dekada Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland.

Isbitaalka guud ee Magalada Bosaso waxa la garsiiyey sadex qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay ku rideen ciidamada Maamulka Pundland Dad Banaabax ka dhigayay boosaaso.