Eritrea: Muslimiinta oo Banaanbax dhigay kadib Amar Xijaabka lagu mamnuucay

Wararka kasoo baxaya dalka Eritrea ayaa sheegaya in magaalada caasimada ah ee Asmara ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata kadib markii dowlada ay amar kusoo rogtay muslimiinta dalkaasi.

Kacdoonka ayaa Salaasadii shalay ka bilowday xaafada Muslimiinta ku badan yihiin ee Akriya, kadib markii Dowlada Eritrea ay amar kusoo saartay in la bedalo nidaamka waxbarasho ee Iskuulada Muslimiinta iyo waliba in iskuulada laga mamnuuco xijaabka.

Amarkan ayaa la sheegay inay diideen maamulayaasha iskuulka ugu weyn ee muslimiinta ku leeyihiin caasimada ee loo yaqaan Diaa Islamic School, ciidamada dowlada ayaa xabsiga dhigay Mid kamid ah maamulka sare ee Iskuulkaasi oo lagu magacaabo Xaaji Musa Maxamed Nuur.

Ciidamada dowlada ayaa sidoo kale rasaas ku furay boqolaal dhalinyaro ah oo mudaharaadka dhigayey, illaa iyo hada lama yaqaan in ay jiraan dhaawacyo ama dhimasho banaanbaxyadii shalay dhacay, maadaama dalkaasi Eritrea uu yahay mid dunnida inteeda kale ka xiran.