Dowladda Tanzania oo xabsiyada dalkeeda ka sii daysay Maxaabis Soomaliyeed

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaaa sheegay in xabsiyada ku yaala Tanzania laga sii daayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 20 qofood ,oo 4 carruur ah ay ku jiraan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania, kadib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka Soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howshooda sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.