Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala Wareegay Deegaano Hoostaga degmada kuntunwaarey.

Wararka Naga Soo gaaraya Deegaano hoostaga Degmada kuntunwaaray ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka ay la Wareegeen Deegaanadaasi,islamarkaana haataan ay ku sugan yihiin Ciidamada.


C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Deeganadan ay la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kala ah mokoy Dumis, goosaarow iyo Iidow Guudow ayaa mudo badan waxaa ku sugnaa Al-Shabaab Badan oo Halkaasi dadka Shacabka ah ku dhibaateyn jiray.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada oo gudaha u galay deegaanadaas,islamarkaana Al-Shabaab ay isaga baxeen,waxayna sheegeen in Dhaq-dhaqaaq ciiidan laga dareemayo deegaanada hoostaga Degmada kuntunwaarey ee Sh/Hoose.