Axmed Madoobe oo cambaareeyay miraaqa gaduudan ee Gudoomiyaha G/Banaadir uu gacanta ku xertay.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Shiikh Axmed Maxamed Islaan {Axmed Madoobe} ayaa hadalkii ugu saameynta badnaa ka jeediyay shirka wada tashiga ee u dhaxeeya Madaxda Dawladda Federaalka, Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada iyo Maamulka G/Banaadir.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay Miraaqa (Marada) Gadduudan ee Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed uu la tagey shirka madasha Qaranka ee ka soconaya Villa Somalia ayaa caddeeyay arintaasi inaaney qabin Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed.

“Annagu waxaaan nahay ummad Diin leh, in Maro Gudduudan la soo xirto oo 24-ka saac Waddooyinka lala taagnaado misana hooyooyinka lagu hor baroorto Diinteena iyo Dhaqankeenu midna ma qabaan, dhaqankaasi waa camal looga dayano GAALADA, waxaana dadka ugu nasteexaynayaa inay ka digtoonaadaan” ayuu yiri Shiikh Axmed Madoobe oo soo jeediyay in si Raggnimo leh loo tago Furimaha hore.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkaan cad ka sheegay kulanka wada tashiga ee maalintii Seddexaad ka soconaya Magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeya madaxda Federaalka, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka G/Banaadir.

Boqolaal dhallinyaro ah ayaa la arkayay maalmihii la soo dhaafay iyagoo si ogaal la’aan ah madaxa ugu xertay Miraaqa Gadduudan, sababta loo qaatey maradaasi ayaa lagu macneeyay inay aheyd Astaan lagu muujinayay sida looga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Isgoyska Zope.

WD: C/Laahi Shiikhaalow