Wajiga labaad ee Shirka wadatashiga Madaxda DFS iyo Maamul Goboleedyada oo xalay ka bilowday Muqdisho+Sawiro

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka bilowday wajigii labaad ee shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoo shirka uu ka socdo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Ajandooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab, dib u eegista Dastuurka, Dardargelinta Hanaanka Federaalka, Daadajinta Hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa madasha shirka waxay ka jeediyeen khudbado ay ku muujinaayeen midnimada, horumarka iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka agagixisada.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay waaajib ku tahay madaxda Qaranka ee shirkan ka soo qayb galay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed, taasna ay asaas u tahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay musiibadii 14-kii Oktoobar isaga oo ugu baaqay dhammaan shacab iyo dolwadba in laga shaqeeyo si aysan mar kale uga dhicin dalka dhacdo murugo u keenta carruurta, waalidka iyo guud ahaan Muwaadiniinta.
Dhanka kale Kaddib khudbadaha Madaxda, waxaa kulan gaar ah yeeshay guddiyada isku dhafka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay uga mira dhalin lahaayeen qorshayaasha ay isku afgarteen Madaxdu.