Nin la tuhmayo in uu ku lug lahaa Dilkii Chris Stephens oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Mareykanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen gudaha dalka Liibiya waxa ay kusoo qabteen nin la tuhmayo in uu wax ka maleegay Weerarkii lagu qaaday Qunsuliyadii Mareykanka ku lahaa magaalada Bengazi ee dalka Liibiya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidamado gaar ah gacanta kusoo dhigeen nin kamid ahaa xubnihii weerarka ku qaaday Qunsuliyada Begnazi halkaasna ku dilay Qunsulkii Mareykanka Chris Stephens iyo seddex qof oo kale oo Mareykan ah.

Trump ayaa sheegay in ninkan lasoo qabtay magaciisa uu yahay Mustafa Al-Imam, waxa uuna tilmaamay in ninkaasi la keenayo dalka Mareykanka si cadaalada loo horgeeyo.

Weerarka Qunsuliyada Mareykanka ku lahaa magaalada Benghazi ayaa dhacay sanadii 2012, waxaana weerarkaasi uu sababay in gabi ahaan la xiro Qunsuliyadii Mareykanka ku lahaa Bengazi.