Wargayska The Gurdian oo ka shifay in ragii weeraray Hotelka Naso Hablood2 ay wateen Aqoonsiyada Ciidamada NISA

Jariidada kasoo baxda dalka Britten ee The Gurdian ayaa daabacday in Maleeshiyaadkii Shabaabka ahaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa hablood 2 ay gashnaayeen dharka ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ee NISA.


Ragga hubaysan ee gudaha u gashay Hotelka ayuu wargeyska sheegay inay adeegsadeen kaararka aqoonsiga ee sirdoonka dalka si ay ugu suurta gasho galitaanka Hotelka qaraxa kadib, waxayna wateen dharka NISA, taasi oo keentay inaan laga shakinin markay galayeen gudaha Hotelka.

Wargeyska The Gurdian aayaa wareystay Corneel Axmed Yare oo saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ka tirsan wuxuuna sheegay inay haysteen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, darajooyinka iyo sawirrada,suurta gal uma ahayn sarkaal boolis ah inuu ragaasi is hortaago ama udiido inay Hotelka galaan.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa shegtay mas’uuliyada weerarkaasi, iyadoo Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo weerarkaasi kadib fadhi yeeshay waxa ay xilalkii ka qaaden Taliyeyaashii sirdoonka iyo Booliska Soomaaliya.