Uhurru Kenyatta oo ku guulaystay Doorashadii ku celiska ahayd Dalka kenya.

Guddiga doorashadda ku celiska ahayd ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashadoo lagu celshay ee 26 bishaan dalkaasi ka dhacday.


Wafula Jibukaati Gudoomiyaha guddiga doorashadda dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Uhuru uu mar kale ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd.
Gudoomiyaha Doorashada ayaa sheegay in Uhuru helay 98% codadkii la tiriyay taasna ay ka dhigan tahay inuu yahay Madaxweynaha la doortay inuu dalkaasi sii hogaamiyo.
Dhanka kale Ku dhawaaqista natiijadaan waxay soo baxayaan iyadoo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah ay qaadaceen doorashadii lagu celiyay dhawr magaalana aan laga codeyn, sidoo kale Uhuru ayaa Bishii hore ku guulaystay Dorashadii dhacday.