Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ku Geeriyooday Dalka Canada

Waxaa Dalka Canada ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Baarlamaankii Dowladdii KMG ahayd ee Cabdullahi Yusuf Axmed.

Marxuum Cashara ayaa sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Maamulka Puntland, waxuu sidoo kale soo Noqday Wasiirkii warfaafinta Maamul Gobaleedka Puntiland.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu caansaneyd ee soo marta Gayigeena Soomaaliya Burburkii Dowladii Marxuum Jen. Maxamed Siyaad.