Maamulka Gobalka Banaadir oo Amarro dul dhigay Gawaarida Xamuulka

Wareegto ka soo baxday maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.


Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta inay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).
Dhanka kale Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta muddo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan, waxaana Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.