Jaamacdda Carabta oo Cambaaraysay Qaraxii ka dhacay Hotel Nasahablood2 ee Shabaabku Dadka badan ku dileen.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta General Ahmed Abulgheit  ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee Sabtidii ka dhacay hotel ku yaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, iyadoo dhaawacuna uu yahay daraasiin kale.


General Ahmed Abulgheit Wuxuu tacsi tiiraan leh u dirayaa dhibbanayaasha, wuxuuna sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta “Si aad ah u taageersan dagaal lagu qaado Al-Shabaab”

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda si loo helo Nabad iyo Xasilooni buuxda oo Soomaaliya ka dhalata.
“Waxaan tacsi u direynaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana Naxaariis Alle ugu baryeeynaa kuwii dhintay kuwa dhaawacana Alle ha bogsiiyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jaamacadda Carabta.
Dhanka kale Jaamacadda carabta ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.