Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka K/Galbeed oo Sheegay in naftiisa uu kla soo baxsaday Baydhabo.

Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Fanax) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo warbaahinta u sheegay in naftiisa uu kala Soo baxay Magaalada Baydhabo.


Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maxkamadda amni daro awgeed ay uga soo guurtay magaalada Baydhabo, wixii hada ka dambeeyna ay ku shaqeyn doonto Gobolka Sh/Hoose.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa wuxuu Beesha Caalamka iyo Dowlada Soomaliya ugu baaqay in loo fududeeyo inuu ku shaqeeyo gobalkaasi, iyadoo Maamulka koofur galbeed uusan weli ka hadlin Dhibaatada uu sheegay gudoomiyaha maxkamada sare ee Koofur galbeed,taasi oo ku aadan in cabsi awgeeda uu uga soo tagay halkaasi.