Falanqeyn: Dowlada Farmaajo ma ku saxan tahay Xil ka qaadista Taliyaasha Booliska & Nabad-sugida?…

Dagaalka socda iyo amnixumada muqdisho ka jirta maaha wax lagu eedayn karo Madaxda Hay’adaha Amniga oo kaliya.

eeda ugu way waxaa iska leh xildhibaanada hortaagan in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka la dagaalanka argigixisada oo ka kooban 36 qodob, oo muhiim u ah amniga caasimada. Muqdisho.

iyadoo Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in dhamaan hindise sharciyeedyada la asixindoono xeerkan la hortaagan yahay in la ansixiyo xeerka waxaa la soo diyaariyey 4 sano ka hor.

Markaa In Taliye Amni iyo wasiir Amni in la iska eedeeyo waa aqoon daro sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen wali lama dhaqan galin.

Dadka hubka haysta sharcigan wax badan ayuu ka qaban lahaa.

Qodobka labaad ee dhibka amni xumo ku haya magaalada muqdisho waa dadka xooga ku haysta wax walba oo sharcigu diidan yahay waxay taageero u yihiin in aanan shacabku dawlada la shaqeyn waxay taageersan yihiin amni xumada hadii sharciga la ansixin lahaa dadkan dawladiidka ah wax badan ayaa laga qaban lahaa.

Markaa hindise sharciyeedka ladagaalanka argagixisada in la ansixiyo waa muhiim.

Waxaan Falanqeyn tayda ku Tilmaamayaa hadii si kasta loo magacaabo madax cusub oo amniga masuulka ah ka shaqadooda waxaa hortaagan koox jirjoroole ah mar si qabiil ku dhisan kaaga hor imaneysa mar si ganacsi ku dhisan kaaga hor imanaysa marna dhinaca xildhibaan kaaga hor imaneysa.

Howlagal kasta Muqdisho laga sameeyo oo dhinaca amniga ah dad ayaa diidan kuwaas oo ah kuwa aan loo hayn sharci laysaga celiyo.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabeynayaa Magaalada Muqdisho waxay soo martay Sanado badan oo ay ka liidatay meesha ay hada joogto shacabka muqdisho ku nool sharciga ha u hiiliyaan si nabad loo helo.

W/Q: Maxamed Caalim: