Ciidamada isku dhafka ah oo howgallo ka sameeyey Gaalkacyo

Ciidamada isku dhafka ah ee Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgaallo ballaaran ka sameeyay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ay sheegeen in lagu xaqiijinayo baaritaanadaasi ammaanka Gaalkacyo, si looga hartago falal ammaan dari oo ka dhaca Magaaladaasi.

Sidoo kale saraaskiisha ayaa ka dalbaday shacabka in la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasto oo khatar ku ah ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Lama oga in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi iyo inkale, maadaama saraakiishu aysan shaacin natiijada howlgalladaasi.

Inta badan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxa ka dhaca falal liddi ku ah ammaanka, kuwaasi oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaaladaasi.