Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Cali Axmed Cadow

Wararka ka imaanaya Deeqaabka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in fagaare kuyaala deegaankaasi Al Shabaab ku toogteen nin ay ku eedeeyeen in uu xariir la lahaa Ciidamada AMISOM.

Maxkamad Al Shabaab leeyihiin ayaa xukun dil ah ku riday Cali Axmed Cadow oo 51-sano jir ah kana mid ahaa dadka ku dhaqan Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday ninkan ayaa sheegay in uu xariir hoose la lahaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ka socda ee ku sugan Degmada Jalalaqsi.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaare ninkan lagu tooganayay, waxaana goobta toogashada ka dhaceysay ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday dad ay ku eedeesay in ahaayeen Jawaasiis, kuwaa ay ka qabteen deegaano ay maamulaan, waxaana xubnaha ay Shabaab dileen ku jira kuwa iyaga qaarkood horey uga tirsanaa.