Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda oo Muqdisho maanta ka furmaya

Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.


Shirkaan ayaa horay waxaa u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana lagu wadday inuu furmo shalay,inkastoo uu dib u dhacay oo maanta lagu balamay.

Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda madaxdooda, iyadoo shirkaan si weyn diiradda loogu saari doono Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.