Meydad Hor leh oo saakay laga soo saaray Hoteelka Naasa Hablood2 ee magaalada Muqdisho.

Wariyeyaal ku sugan Hoteelka Naasa Hablood2 ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka ay saakay Hoteelka gudihiisa ka soo saareen meydad 8 qof oo la toogtay, iyadoo dadkaasi la toogtay ay ku jireen Haween iyo Caruur.
Waxaa suurtagal ah in sidoo kale wali ay gudaha Hoteelka ku jiraan Meydad Kale, laakiin waxaa socdo wali baaritaano, la xiriira sidii loo ogaan lahaa inay jiraan dhaawacyo ama in maydad kale la arko.
Hoteelka ayaa waxaa ka muuqda bur bur xooggan , waxaana guud ahaan si weyn isku badalay Jawiga Hoteelka, waxaana la soo Afjaray weerarkii Hoteelka sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ammaanka, laakiin wali waxaa socda baaritaano ku aadan in dad dhintay ay ku hoos jiraan dhismeyayaasha burburay.