Mareykanka iyo QM oo cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood2 ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen shalay Hotelka Naasa-hablood qeybtiisa Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho,waxaana lagu sheegay Warka ka soo Baxay Mareykanka in si weyn ay u Cambaareynayaan Qaraxii lagu laayay Dadkii ku sugnaa Hotelka Naasa-hablood2 ee Muqdisho islamarkaana ay tacsida la wadaagayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


War Kooban oo uu Bartiisa Twitter-ka ku qoray Wakiilka QM u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayuu ku sheegay in Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood uu ahaa mid Fuleynimo ah islamarkaana lagu dilay Dad aan waxba galabsan.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisdho.