Faallo: Maxaa ka jira qaraxyada Mogadishu iney ka danbeyso Imaaraadka?

Abu Cabdiraxmaan waa Sargaal u dhashay Dalka Imaaraadka, Qaraxa ka hor bogiisa twitter ka wuxuu kusoo qoray qoraalka idin kaga muuqanayo Sawirka “Qarax yada ma istaagayaan ,dalka soomaaliya dagaal sokeeye ayuu dib ugu laaban hadi Xukuumadda aysan albaabada isugu dhufan Xerada milatariga ee Turkiga “fariintaas waxaa xigay Qaraxa.

Taliska villa Somalia, dhibaatada lagu hayo Yamen wax ka daran in lala maagayahay Soomaaliya miyeeysan ogayn mise waa isyeel yeel? Qaraxa waxaa jawaab looga dhigayay Safarkii R.Xasan khayre ee Turikiga , sidookale ujeedada ayaa ah in lagu banjariyo dadaalada MD farmaajo ee shirka Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada oo uu ku doonayo inuu meesha ka saaro khilaafka, booskeedana lagu badalo midnimo soomaaliyeed.

Yaan waxba la canaanan oo la kuul kuulin laamaha Amniga , dalka waxaa kusocda dagaal indirect oo ay ku loolamayaan Xulafada Turkiga/Qatar iyo Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Hogaanka villa Soomaaliya waa inay qaadataa leadership role cad oo ay kusoo afjarayso mushkilada.

A. Khilaafka Maamul goboleedyada oo ay xaliso .

B. Ciidanka ay gacanta ku hayso Imaaraadka oo laga wareejiyo , laguna Kala daro Unug yada ciidamada Milatariga.

C. Siyaasiyiinta ,Ganacsatada iyo saraakiisha mushaarka ka qaata safaarada Imaaraadka ee muqdisho oo sharciga lala tiigsado .

D. NISA oo Isha ku haysa dhaqdhaqaaqa safaarada Imaaraadka waayo Badda ayey saaran tahay habeen kii waxa la geeyo waa in dowlada ay ka warhayso .
Abdullahi Sheikh Mokhtaar Abdulkadir
Xigasho: Abdullahi Sheekh Muqtaar