DF oo soo bandhigtay Tirada Ragga Shabaabka ah ee galay Hotel Naasa-hablood & Qaar Nolol lagu qabtay *Dhageyso*

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo Saxaafadda kula hadlay Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saakay Aroortii la soo gaba gabeeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne,waxaana uu xusay in Ciidamada Ammaanka ay soo Afjareen.

 Afhayeenka ayaa sheegay in Ragga soo Weeraray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne ay gaarayeen Shan Islamarkaana Labo kamida ay Isqarxiyeen Saddex kale oo Noolna gacanta lagu hayo.

Dhanka kale waxaa Saakay laga soo saaray Hotelka Naasa-hablood 2 ee Al-shabaab ay Weerareen Meydadka tiro Dad ah oo u badnaa Dad Shacab ah oo ku dhintay Qaraxii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka.