Caawa oo hurdada loo diiday Reer Mogadishu… Maxaa Sababay?

HURDO GAMA IGAMA SOO DHAHAYSO:

Xiligan oo caasimada Muqdisho tahay 23:25 ama Shaan saac iyo shan labaatan daqiiqo habeenimo wax hurda ah waa iga imaan waysay waxaana ku dul fikirayaa sariirtayda sababta dhawaqa dagaalka iyo xabadaha aan caadiga ahayn ee aan maqlaayo daqiiqad walba, taasi oo muddo aan laga maqlin magaalada in waqtigan intaan la eg meeshii xukuumada ugu adkayd ugu amaanka badnayd lala wareego fasiraad badaneey u baahantahay walee.

Galabta weerarkii dhacay ayaa ilaa hada howshiisa socotaa waana ku dhawaad 9 saacadood waayo bacdul casirkii ayuu dhacay walina ma dhamaan dagaal toos ah ayaana ka socda Hotelkii mashaqadu ka dhacday oo ragii soo weeraray ay ku dhex heestaan dad kale oo hotelka dagnaa.

Dad xilal kasoo qabtay dowlada iyo shacab ayaa ku jira dadka dhintay inkasta aan u wada joogno geerida ilaah ha u naxariisrto balse wax badan ayaan ka bartay oo ah.

1:In meel aanan ka fogayn madaxtooyadii Somalia muddo 9 saacadood ku dhow lagu dagaalamo xildhibano,wasiiro iyo shacab lagu laayo waliba meeshii la qabsaday waa fashil laamaha amaanka iyo iska warqab la,aan jirta dhexdooda.

2:Sida la ii sheegay gaariga qarxay oo UD ahaa uu meesha yaalay ilaa duhurkii lagana dhigay mid halaabay oo la farsamrenaayo oo aan jiri cid laamaha amaanka oo is waydiisay iyadoo goobahaasi socodka xitaa ku yaryahay gaari wayn iskaba daayee.

3:Maalin kasta tacsi iyo tuugsi dibadeed aan dhamaad lahayn dhaawcyada noo qaada lagama baxaayee ama meesha ka taga oo wajigiina naga hor leexiya ama isla xisaabsan keena oo kala cadeeya meesha bugta.

14 Maalmood kaliya ayaa u dhexeeya weerarkii ZOOBE oo dhacay 14 bishan kana uu dhacay 28 bishan waaba qorsheesnaaye maxaa noola daalinaa amniga magaalada gor gortan ma galee hal gacan hana xakunto cidii doontaa ha noqotee maalin kasta dhimasho iyo dhaawac u joog noqon makarnee.

Ogaada wlhi inta shaqsi lagu qancinaayo qabiil iyo qurun in uusan qarankan hagaageyn oo hoog iyo halaag u dambayn doono ama cadaalad iyo sinaan ha timaadee neecaaw nabadeed naruuro ha ii noqotee.

Bilaahi calaykum naxdintii waa naga zuushay ee waxa xigaaa aan aragno.

Ilaahow adaa caadil ah oo na abuurtee sidaan xal nooma ehee si kale nayeel xitaa badda gadaasheeda na daji aan ku amaan helnee ilaahey waa idiin jeedaa.

Qirmadii Abdalla Xassan Baliil