Xildhibaan Hore Iyo saraakiil ciidanka dowlada oo Ku dhimatay Qaraxii Naasohablood 2

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyooday qarax xooggan oo galabta lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jiraan Xildhibaan hore iyo Sarkaal Boolis.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad weyn lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka Naasahablood 2, waxaana waxyeelo soo gaartay dad marayay wadada gaari saarnaa.

Wararka horu dhaca ayaa sheegaya in Xildhibaan hore C/naasir Gaarane uu ku dhintay qaraxa, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayay Hotelka, iyadoo aan si dhaba h loo xaqiijin karin in dabley hubeysan gudaha ugu jiraan iyo in kale,

Hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa kaddib rasaas laga maqlay gudaha Hotelka, isla markaana ay aheyd kuwo la is dhaafsanayay.

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasa Hablood Two.

Qaraxa ayaa saameynta ugu xooggan ka soo gaartay goobo ganacsi ku dhowaa Hotelka, sida maqaayada caanka ah ee Banooda oo galbihii dadka fariistaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hotelkan la weeraray ayaa waxaa la sheegaa inuu leeyahay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ahaa Ganacsade, iyadoo ilaa hadda wax war ah uusan kasoo bixin laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.