RW Trkiga Bin Ali Yildirim ”Ciidamo Shisheeye ma sugi karaan Nabadda Soomaaliya..”

Ra’iisul wasaaraha Wadanka Turkiga Bin Ali Yildirim aya sheegay in xiriirka labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana Turkigu uu sii wadi doono Adkeeynta Xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya.


Bin ali Yildarim ayaa sheegay in Dowladiisu ay aad Soomaliya uga taageereyso Dhinaca Amniga wuxuuna sheegay in Ra’iisul wasaare kheyre uu la waadaagay Dadaalada Ay amniga ku suganayaan Turkiguna uu kaalintiisa ku qaadan doono.
“Ciidamo shisheeye ma sugi karaan Nabadda Soomaaliya” ayuu yiri Yildrim, oo sheegay in Turkigu uu gacanna Soomaaliya ku garab Istaagayo, Gacanna uu ku Taageerayo Bulshadda iyo Arrimaha Banii’aadanimadda isagoo adeegsanaya Ururadda aan dowliga ahayn.
Ra’iisulwasaaraha Turkiga ayaa sheegay in Ciidamadda Soomaaliya oo la dhiso ay ku Xiran tahay Nabadda Soomaaliya, Islamarkaana ay iyaga oo Qura sugi karaan Nabadda Dalkooda, wuxuuna meesha ka saaray Kaalinta Ciidamo Shisheeye ay ku leeyihiin ammaanka Soomaliya.