Madoobe Nuunoow iyo Zakariye Mohamud Cise oo Ku geeriyoodeen Qaraxii Naasohablood Two

Wararka Waxaa ay sheegayaan in mas’uuliyiin ay Ku dhinteen qaraxii maanta ee hotelka Naaso hablood 2, mas’uuliyiintaas Waxaa ka mid ah Wasiirkii arimaha guddaha ee dowlad gobokeedka Koonfur Galbeed
Muddane Madoobe Nuunoow Maxamed.

 

Waxaa Sidoo kale la soo sheegayaa in uu halkaasi Ku geeriyooday allaha u naxariisto Ustaad Zakariye Mohamud Cise oo ahaa La Taliyaha Wasiirka Amniga.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa wali is weydaarsanaya rasaas culus, waxaana la maqlayaa qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayaan dableyda hubeysan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay weerarka Hotelka Naasahablood ay gaartay illaa 18 ruux, ayna dhici karto inay intaas ka bataan.

Hotelka ayaa waxaa la dejiyay wafdi ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee maanta illaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xaalada ayaa wali cakiran, iyadoo la soo sheegayo inay jiraan meydad gudaha Hotelka ku jira oo ay dileen dableyda Hubeysan.

Hotelka Naasahablood 2 oo ahaa dhismo horay u deganeyd Safaaraddii Shiinaha ayaa ah dhismo aad u adag oo shub ah, waxaana dadku sheegayaan in dableyda ay gudaha ku jiraan, isla markaana rasaas iyo bambooyin soo tuurayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar weyne, waxaa ay horay u weerareen Hotelka Naasahablood 1 oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee Muqdisho.