Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Naasa-hablood2 ee Magaalada Muqdisho.

Qarax Xoog leh ayaa wuxuu ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne,waxaana la sheegay in koox hubaysan ay gudaha Hotelka galeen , iyadoo weli la maqlaayo Rasaas dhacaysa.

Weerarka Hotelka ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana ilaa iyo hadda la arkay Meydad gaaraya illaa 10 Qof oo Shacab ah oo ku dhintay Qaraxa islamarkaana ay ku jiraan kuwo Saarnaa Gaadiid wadadaasi marayay.

Dhanka kale waxaa Goobta laga daadgureeyay Dhaawacyo gaaraya ilaa 15 Qof oo ay qaadeen Gaadiidka Gurmadka deg dega ah, iyadoo weli Hotelka laga Maqlayo Rasaas ka dhaceysa gudihiisa, iyadoo Ciidamada Ammaanka ay xireen Goobta uu Qaraxu ka dhacay.