Dowladda Dhexe iyo Madaxda maamul goboleedyadda oo shirkooda Muqdisho ka furmaya.

Waxaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, iyadoo shirkaan uu horay u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.


Maanta ayaa lagu waddaa inay Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, iyadoo uu horay Muqdisho u joogay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiirf Xasan Sheekh Aadan.
Dhanka kale shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda iyo sidii loo yeelan lahaa mowqif midaysan iyo kala dambayn dhanka maamulada iyo Dowladda dhexe.