Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Fariisamada Ciidamada Jubaland ee Degaanka Buulo-Guduud.

Wararka ka imaanaya Degaanka Buulo-Guduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Fariisimo Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaankaasi.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dhowr Madfac ku soo tuureen Magaaladaasi, islamarkaana ay ku dhaceen madaafiicdaasi Gudaha Magaalada iyo Hareeraheeda intaba.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Madaafiicdaasi Shabaabku ku soo tuureen degaanka Buulo-Guduud ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo deegaankaasi fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Dhanka kale warar lagu Faafiyay Websetyada Taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka Madaafiicda ah ay Khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Buulo-gaduud.