Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya oo beesha caalamka ku dhaliilay wada shaqeyn la’aan.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen taageeradooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab.

Sidoo kale Sambaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha Maraykanka , UK iyo Qaramada Midoobay ay ka gaabiyeen in ay la wadaagaan Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya Khibradaha, Qalabka Farsamo iyo wax weliba ay ugu baahan yihiin ka hortaga wax uu ugu yeeray weerarada Argagixisada.

Mr Sambaloolshe ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay horay ugu adeegsan jireen weeraradooda illaa 100 Kiilo Gram  Cuf ka kooban hase ahaatee haatan uu gaaray walxaha ay adeegsadaan illaa 1000 Killo Gram.

Ugu dambeyn ayuu xusay in haddii Hay’adaha beesha Caalamka baaritaanada ay ku sameeyaan weerarada  ay geystaan Al Shabaab Macluumaad ku saabsan loo soo celin lahaa Hay’adda Nabad Sugida iyo Hay’adaha kale ee Ammaanka Soomaaliya ay cashirro wax ku ool ka baran lahaayeen.