Warsaxaafadeed: “Waxaa nasiib darro iyo lama filaan ah in weli Qas iyo dhibaato lagu hayo Maamulka Galmudug..”

WAR  SAXAAFADEED
UJEEDDO: Dhibaatada ay xubno qaswadayaal ah ku hayaan Galmudug.
Tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii la damacsanaa in lagu minjaxaabiyo xilkana looga qaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa jiray farsamooyin horleh oo ay adeegsanayeen xubno qaswadayaal ah oo ku ganbanaya magaca xukuumadda, iyadoo ay ku dhex socotay martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedka xubnaha ka ah DFS, si looga wada xaajoodo tabashooyin ay Dowlad Goboleedyadu ka muujiyeen hanaanka wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada, ka dib markii ay ku shireen Kismaayo horaantii bisha Oktoobar/2017ka.

Waxaa nasiib darro iyo lama filaan ah in xubnaha aan kor kusoo sheegnay ay wali ku wadaan debandaabyadii ay kula dhaqmayeen Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay ku soo qul-qulayaan Cadaado shaqsiyaad aad u adeegsanaya dhaqaale oo kaambayn siyaasadeed ka wada, xildhibaano laga soo tashkiiliyay Muqdisho, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Cadaado iyo adeegsiga Maxkamadda Sare ee DFS oo gal dacwadeed ladaba socota Madaxweynaha DGGM, taas oo Maamulka Galmudug horay uga jawaabay dacwadaas in aanay xaq u lahayn qaadisteeda Maxkadda Sare ee DFS, balse haddii ay jirto dacwadaas ay xaq u leeyihiin hay’adaha garsoorka Galmudug. Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa ka dhalatay kalsooni darro iyo muuqaal ah in weli ay socoto dhibaatadii ay qaswadayaashu ku hayeen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in culayska saran Galmudug laga qaado si ay noogu suura gasho inaan kasoo qayb galno shirka loo ballansan yahay 28ka Oktoobar 2017ka.
Dhammaad